Odayaasha Cadaado oo Qodobo muhiim ah Hor Dhigey Reysulwasaare Kheyre

0
30

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug.

Wararka ka imaanaya magalada Cadaado ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka deegaanadaasi ay hor dhigeen reysulwasaaraha qodobo dhowr ah oo looga fadhiyo in uu fuliyo reysulwasaaraha qodobadaasi oo kala ah.

1: Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado.

3: In si Cadaalad ah loo hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug.

4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo.