Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Warqadaha Aqoonsiga kala Wareegay Denjirayaasha Austria iyo Canada

0
33

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya.

Danjiraha Austria Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Canada Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.