Axmed Ducaale Xaaf oo Maanta Dib ugu Soo Laabtay Magalaada Cadaado

0
55

Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dib ugu laabtay degmada Cadaado kadib khilaaf soo kala dhaxlagay isaga iyo maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna oo markii hore ay ku midoobeen Galmudug.

Xaaf ayaa xalay gudaha u galay degmada Cadaado kaddib markii isaga iyo gaadiid dagaal oo uu watay ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Godinlabe oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.

In madaxweyne Xaaf uu dib ugu laabto degmada Cadaado waxaa ka shaqeeyay oo qeyb ka ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka oo ka soo jeeda degmada, kuwaa oo xalay kulamo waqti badan qaatay la yeeshay madaxweynaha.

Dhanka kale degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa ku sugan ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo shalay galinkii danbe ee gaaray halkaa, waxaana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.