Reysulwasaare Kheyre oo Ka Hadley Qorshaha ay Xukuumadiisa Ka Damacsan Tahay Maamulka Galmudug

0
34

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan degmada Cadaado ayaa fasiraad ka bixiyay qorshaha dowladda Soomaaliya ee la xiriira dhismaha Galmudug mideysan.

Ra’iisal wasaaraha oo meel fagaaro ah kula hadlayay bulshada degmada Cadaado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dadaal ku bixineyso in si buuxda loogu taageero shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay go’aan ka gaaraan dhismaha maamulkooda.

Waxaa uu intaa ku daray in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalintii shalay safar dhulka ah ku tagay degmada Cadaado, waxaana deegaanka Godinlabe ku soo dhaweeyay oo uga hortagay wafdi uu horkacayay madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.