Golaha Barlamaanka oo Maanta Ansixiyey Sharciga La Dagaalanka Musuqmaasuqa

0
33

Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ka mid ah hawlaha horyaallay golaha.

Kulanka waxaa yimid 151 mudane, waxaana sharciga ansixiyay 149 Xildhibaan . Hal mudane ayaa ka aamusay midna kalena wuu diidday kalsooni siinta xeerkan.

Intaan sharciga la ansixin dhowr xildhibaan ayaa aragtiyo ka dhiibtay xeerka, qaarkood waxay sheegeen in aqalka sare aysan wax badan ka bedelin qodobada balse ay xoogga saareen siiqada xeerka.

Waxaa ay qaarkood sheegeen xildhibaannada in xeerkan uu u baahan yahay in wakhti la siiyo isla markaasna aan lagu deg degin ansixintiisa. “Dhamaan qodobbada waxbaa laga badalay marka yaynaan ku fududaan” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.