Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Maanta Magalada Beledweyne Kulan kuLa Qaatay Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa

0
39

Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaaladsa Beledweyne ayaa maanta kulan albaabada u xiran yihiin la yeeshay saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM.

Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa intiisa badan sidii loo afjari lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo wali ka biyo diidan uu xilka wareejiyo.

Kulanka markii uu soo dhaamaaday waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo sheegay in madaxweynaha iyo saraakiisha AMISOM ka wada hadleen sugida amniga guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada iyo sidii wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen maamulka, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa kulamo kala duwan lahaa odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada.