Reysulwasaraha Itoobiya oo Ka Hadlay Afgambi Dhicisoobay oo Maanta Ka Dhacay Dalka Itoobiya

0
41

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Mr Abiy oo telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.
Goor sii horraysayna xukuumaddu waxay sheegtay in “afgambi fashilmay” uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

Wararkuna waxay sheegayaan in khadka internet-ka ee dalku uu go’an yahay.

Wasaaradda arrimaha dibaddda Maraykankuna waxa ay sheegtay in ay ka warhayso wararka ku saabsan rasaas ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda.