Ciidamada Dowlada Oo Maanta Howlgalo Ka Sameeyey Degmada Janaale

0
38

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku soo qabqabteen dad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Howlagalada ay ciidamada danah sameeyaan ayaa laga sameeyey degmada Janaale, iyadoo ay a toddobaadyadii la soo dhaafay ay isku balaarinayeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku xooggan Ururka Al-shabaab iyadoo ay fariisimo ku leeyihiin dhul beereedka ku yaal gobolkaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyayba deegaanno ka tirsan gobolka ka waday howlgal lagula dagaalamayo xoogagga Ururka Al-shabaab