Aqri: Maamulka Koonfur Galbeed iyo Maamulka Degmada Walaweyn oo Ilaa Iyo Hada Jawaab Ka Bixin Eedey Kaga Timid Hay’ada FAO

0
41

Hay’dda beeraha u qaabilsan Qarammada Midoobay (QM) ee loosoo gaabiyo FAO ayaa wali jawaab ka sugeysa wasaaradda beeraha ee maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan wasiirka wasaaraddaasi Mustaf Axmed Iidow taasoo la xiriirto lacago ay hay’adda ugu tala gashay dadka tabaaleysan ee deegaanka.

Hay’adda FAO war qoraal ah oo ay u dirtay wasiirka beeraha ee maamulka Koonfur Galbeed Mustaf Axmed Iidow oo nuqul kamid ah ay heshay warbaahinta daafeet.com oo uu ka saxiixnaa wakiilka FAO ee Soomaaliya Serge Tissot ayaa u qornaa sida tan.

Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan beeraha ee FAO waxey wasaaraddaada ugu mahadcelineysaa taageerada iyo wada shaqaeynta joogtada ah. Waxaan u qorayaa warqaddan inaan kula wadaago islamarkaana aad faragelin kusoo sameyso caqabadaha aan FAO ahaan kala kulannay lacagaha loo yaqaano Cash for Work (CFW) lacagaha caddaanka ee shaqada iyo lacagaha shuruud la’aanta dadka loogu diro taleefannadooda Unconditional Cash Transfer (UCT) ee taageerada ah ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hay’aada FAO waxey qorshe ka wadday degmada Wanlaweyn kaasoo ay ka faa’ideysanayeen ilaa 600 oo qoys iyadoo u marsiineysay ururka aan faa’ida doonka aheyn (NGO) ee Iman Relief and Development Organization (IRDO) kaasoo billowday bishii July ee sanadkii 2018-kii oo ayna kujirtay sameynta keyd biyood iyo lacago caddaan ah oo la siinayay dadka la diiwaangeliyay. Mashruuca ayaa lahaa saddex waji oo lacag qeybin ah.

Hay’adda FAO oo sameysay baaris ku sameysan in lacagaha sidii saxda aheyd loo maamulay ayaa ogaatay in 74% dadkii ka faa’idayay mashruuca ay sheegeen in ay heleen lacag aan dhammeystirneyn taasoo ay sameyseeyeen maamulka degmada ama hay’adda degmada u qaabilsan howsha.

FAO ayaa u yeertay IRDO waxeyna fartay inay sameyso baaritaan gudaha oo ku saabsan ku lug-lahaanshaha shaqaalahooda iyo maamulka degmada Wanlaweyn ee musqa lacagta, taasoo ugu dambeyn baaritaankooda ay ku sheegeen in ay jirtay in dadka laga jartay lacag u dhaxeysa 7 ilaa 20 dollar oo Mareykanka ah.

FAO waxey ka codsaneysaa wasaaradda beeraha ee Koonfur Galbeed inay arrintan wax ka qabato oo ay ku wargeliso maamulka degmada Wanlaweyn inay soo celiyaan lacagta ay ka jarteen dadka haddii kale FAO aysan sidii wadi doonin taageerada ay u fidiso dadka.

Qoraalka ayaa hoos loogu qoray inay ku socoto wasiirka beeraha ee maamulka Koonfur Galbeed Mustaf Axmed Iidow islamarkaana waxaa ku saxiixnaa wakiilka FAO ee Soomaaliya Serge Tissot.

Arrintan ayaa u muuqata mid dhabarjab ku ah taageerada dhaqaale ee dadka Wanlaweyn ay ka helaan hay’adda FAO, waxeyna u muuqaataa in maamulka degmada Wanlaweyn iyo hay’adda NGO-ga ah ay iska warhayaan.