Kulankii Golaha Shacabka oo Maanta u Baaqdey Kooram La,aan

0
27

Gudoonka Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday kulankii maanta ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kaddib markiii uu buuxsami waayay kooramkii loogu tagalay inuu ku furmo kulanka xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa soo wajahay Fashil maalmihii ugu dambeeyay ka dib markii uu dhowr jeer baaqday kulanka Golaha shacabka oo xildhibaanada aysan soo xaadirin.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa la yeeriyay xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka oo la sheegay in ay Fasax la’aan dalka uga maqan yihiin.