Gudiga Diyo Raadinta ee uu Magacaabay Cabdicasiis Lafta Gareen oo Maanta La Kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
33

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay guddigii dhawaan uu soo magacaabay Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Guddigan ayaa u xilsaaran sidii ay diyo ugu raadin lahaayeen dadkii sida arxan darada aheyd loogu xasuuqay magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Gaalkacyo ee Galmudug ay maamusho, dilalka ayaa loo geystay dad ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayay la wadaageen macluumaad ku saabsan howsha loo xilsaaray iyo siday si nabad gelyo ah heshiis ku saabsan dhacdaasi ula soo geli lahaayeen maamulka galmudug.

Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha ayaa shaaca ka qaaday inay dhankoodana magacaabeen guddi ka kooban 13 Xildhibaan ah oo ayagana qaban doono howl la mid ah howshan ay gudigan u socdaan.

Si kastaba arintu ha ahatee waxgaradka koonfur galbeed ayaa sidiisaba gudiga u arka kuwa aan wax faadiido ah ku fadhin magacaabistooda wexeyna ku booriiyeen in aan wax micno ku fadhin laga dhigin dhiiga shacabka.