Dhegeyso: Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Sheegay In Dadkii Lagu Xasuuqay Gaalkacyo ay Xasuuqeen Ciidanka Dowlada

0
25

Madaxweynaha maamulka galmudug oo maanta warbaahinta la hadley ayaa sheegay in dadkii dil wadareedka loogu geystey magalada gaalkacyo sababo la xiriira heeb sooc ay ka dambeeyeen askar ka tirsan ciidammada xoogga dalka, kuwaas oo uu sheegay in ay ka amar qaataan dowladda Federaalka, maamulkiisana uusan waxbo ka qaban karin.

Waxase uu intaas ku daray in hal askari oo ka tirsan booliiska Galmudug uu ka mid ahaa askarta dadka laysay, kaasina uu xiranyahay.Horey maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay xireen askar fulisay dil kale oo dhacay.