Wasarada Arimaha Gudaha oo Warsaxaafaded Kasoo Saarey Doorashada Maamulka Galmudug

0
33

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa ku baaqday Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanaayo bulshada ku nool degaanada Maamulka Galmudug si loo xaliyo Khilaafka Madaxda Galmudug,isla markaana la magacaabayo guddi farsamo oo daadihiya qabashada Shirkaas.