Dhegeyso Maamulka Puntland oo Sheegay In Deegaanadeeda Visa Lagu Soo Geli Doono Wixii Maanta Ka Dambeeya

0
39

Maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaaciyay hadal siyaabo kala duwan u qabsaday warbaahinta Soomaalida, kadib markii Wasiir ka tirsan Maamulkaas uu sheegay in deegaanada Puntland Viiso lagu soo gelaayo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ay sheegay in wixii xilligaan ka dambeeya deegaanada Puntland uusan soo galeyn qof Viiso la’aan ah.

Waxa uu sheegay in Puntland ay Sharciga horgeyn doonto cid alaala cidii Viiso la’aan soo gasho deegaanada Puntland,isla markaana Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Maamulkaas.