Abwaan Maxamed Cabdullahi Sangub oo Ku Geeryoodey Magalada Adis-ababa ee Dalka Itoobiya

0
194

Allaha u naxarisitee waxaa Saakay magalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ku geeriyooday abwaankii Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub, waayadii ugu danbeeyayba xanuunsanaa.

Abwaanka ayaa daryeel caafimaad u joogay dalka Itoobiya waxaana geerida abwaanka u xaqiijiyay saxaafada qaar ka mid ah abwaanada Soomaaliyeed.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub ayaa sanadkii 1944 waxaa uu ku dhashay Magalaada Dhagax-buur ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,waxana fanka uu ku bilaabay yaraantiisa, isaga oo ka bilaabay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka iyo dhaantada, waxana sidoo kale uu ahaa Gabyaa caan ah oo siweyn loo wada garanayo Gabayadiisa.