Dhegeyso: Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Faahfaahin Ka Bixiyey Gacan Ku Dhiiglayaashii Lasoo Qabtey

0
50

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan aya faah faahin ka bixiyay howgallo ka dhacay deegaano ka tirsan Maamulkaas,kuwaas oo lagu soo qabtay dad ku eedeysan dil ka dhacay duleedka Magalada Dhuusamareeb.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay dhuusamareeb ayuu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysay Afartii ruux ee todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Dhan-Waris,kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeday deegaanada Galmudug.

Waxa uu sheegay in maleeshiyadkaas ku eedeysan dilka Afarta Ruux ee ku sugnaa Goob shinida malabka looga maalo ay gacanta ku hayaan,isla markaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan.