Jaaliyada Koonfur Galbeed ee Qaarada North America oo Baaq u Diray Shacabka Reer Koonfur Galbeed ee Ku Dhaqan Galmudug iyo Puntland.

0
244

Kulan ay habeenkii xalay isugu yimaadeen jaaliyada koonfur galbeed ee Qaarada North America ayaa ka dhacay Magalada Buffalo ee dalka mareykanka, Kulankaasi oo diirada lagu saarayey xilalkii arxan darada ahaa ee ka dhacay isbuucii tegey deegaanada maamulka Galmudug.

Kulankani oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala gedisan ee bulshada reer koonfur galbeed ee ku dhaqan qaarada north america ayaa waxaa ay si caro leh uga hadleen falalkii wuxushnimada ahaa ee ka dhacay deeganada maamulka Galmudug isbuucii tegey taaso halkaasi lagu laayey in ka badan 14 ruux oo aan waxna galabsan dhamaantoodna kasoo wada jeeda deegaanada koonfur galbeed.

Sheekh Maxamed Cabdow oo ka mid aha odayaasha halkaasi ka hadley ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin ficilada foosha xun ee lagula kaco shacabka koonfur galbeed meel walba oo ay joogaan wuxuuna ku booriyey shacabka reer koonfur galbeed in ay sharaftooda iyo xuquuqdooda u istaagaan.

Gabagabadii kulanka ayaaa waxaa halkaasi baaq loogu soo jeediyey jaaliyada reer koonfur galbeed ee ku nool deegaanada maamulada galmudug iyo puntland in ay isaga soo baxaan deegaanadaas isla markaasi ay usoo jeestaan sidii deegaanadooda ay u horumarin lahaayeen isla markaana ay wax uga qabsan lahaan.

Sidoo kale waxaa ay halkaasi baaq uga direen siyaasiyiinka matasha shacabka koonfur galbeed ha noqoto kuwa ku jira aqalka sare, ama aqalka hoose, ama maamul goboleedka in ay ay u istaagaan sharafta iyo karaamada shacabka ay matalaan oo maalin walba lagu gumaadayo gobolada dalka deegaanadoodiina aysan si nabad ah ugu noolaan karin.