Maamulka Galmudug oo Sheegay Iney Soo Qabteen Qaar Ka Mid Maleeshiyaadkii 4ta Dhalinyaro Ku Diley Duleedka Magalada Dhuusamareeb

0
33

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in howlgal ay kasameeyeen duleedka Magalada Dhuusamareeb Ciidamada Nabadsugida Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen rag lagu eedeynayo dilkii dhawaan deegaanka Dhan-Waris loogu geystay Afar ruux oo kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Galmudug ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay ka fuliyeen degaanka Habaasweyne ay kusoo qabteen tira maleeshiyaad ah oo ku eedeysan dilka Afarta ruux, isla markaana la geeyay Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada mashaacin tirada rasmiga ah ee dadka loo soo qabtay dilkaas, hayeeshee waxaa ay sheegeen in ay baaritaano ku hayaan si Maxkamad loo horgeeyo,isla markaana Cadaaladda la marsiiyo.

Afhayeen u hadlay maamulka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay in howlgalkaas uu dhacay xalay Saqdii dhexe, isla markaana Ciidamada ujeedkoodu uu ahaa bartilmaameed ku saabsan in deegaanka Habaasweyne ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka Afarta Ruux ee kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.