Reysulwasaare Kheyre Ayaa Maanta Xafiiskiisa Kula Kulmay Bintou Keita

0
29

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga.

Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta.

Booqashada Bintou Keita ayaa ku soo beegantay xilli ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay isu diyaarinayaan inay ku wareejiyaan ammaanka dalka Soomaaliya ciidamada Soomaaliyeed.