Xog Aynu ka Helney Dadkii Lagu Laayey Caawa Koonfurta Magalada Gaallkacyo.

0
38

Wararka aynu kol dhaweyd ka helney magalada gaalkacyo ee xarunta maamulka galmudug ayaa la sheegayaa in halkaasi caawa si arxan daro ah loogu xasuuqay shacab kasoo jeeda koongur galbeed oo halkaasi degenaa.

Ilaha aynu ka heleyno magalada gaalkacyo ayaa sheegaya in dadkii halkaasi caawa lagu xasuuqay ay kor u dhaafayeen ilaa iyo sideed halka warbixinada qaar eynu heleyno ay sheegayaan in ay ku dhow yihiin ilaa iyo 11 ruux.

Dhacdadan ayaa la sheegayaa in ay salka ku heyso dil maanta ka dhacay magalada gaalkacyo kaasoo lagu diley nin lagu magacaabo Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif) taasoo la sheegay in kooxdii disheyna ay halklaasi ka baxsadeen.

Dilka kadib ayaa ciidamada boliiska Maamulka Galmudug ee Koonfur Magalada Gaalkacyo waxaa magaalada kasoo qabqabteen dad lexdeneeyo ku dhow dadkaasoo la isugu keeney saldhiga magalada gaalkacyo ayadoo weliba si gaar ah loo beegsaday dadka heyb ahaan kasoo jeeda koofnur galbeed somaliya.

Ilaha wararka aynu ka heleyno ayaa waxaa ay tibaaxayaan in dadka la isugu geeyey saldhiga loo qeybiyey 3 qeybood qeyb ka mid ah ciidamada ay ula dhaqaaqeen duleedka magalada gaalkacyo isla markaana ay ku xasuuqeen dadkii ay horey u kaxeysteen.

Dhacdadan caawa ka dhacday magalada gaalkacyo ayaanan eheyn mid ku cusub dhegaha dadka kasoo jeeda koonfur galbeed iyo weliba bulshada soomaaliyeed, Todobaadkan dhexdiisa ayey eheyd kolkii 4 ruux oo kasoo jeeda koonfur galbeed lagu xasuuqay duleedka magalada dhuusa mareeb.