Qarax Xalay Ka Dhacay Magalada Baydhaba oo La Sheegay In uu Geystey Qasaaro Nafeed

0
41

Qarax habeenkii xalay ka dhacay magalada baydhaba ayaa lagu soo waramayaa in uu geystey qasaaro aad u badan ka dhacay Suuqa ku yaalla xaafad ka tirsan Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qaraxaasi ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo la dhigay Goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen taas oo ku taalla Suuqyaraha Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baydhabo.

Dad ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegey in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba ka mid ahaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed sidoo kale ay waxyeelo kale kasoo gaartay dad Shacab ah oo maqaaxida ku sugnaa.

Maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha laamaha amniga degmadaas ayaan weli ka hadlin qaraxa geystay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee xalay ka dhacay Magalada Baydhabo.