Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo Beryahan Kormeer Ku Maraya Qaar Kamid ah Degmooyinka Gobolka Shabelaha Hoose

0
31

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuliyiin uu hoggaaminayo,ayaa waxay Saacadihihii lasoo dhaafay kormeer shaqo ku kala bixiyeen degaanka Shalaanbood iyo Tuulooyinka ku xeeran.

Guddoomiye Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Guddoomiye Najax, oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah isla markaana ay kulan la qaateeen, mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada colaaddii sokeeye ee Gobolka ragaadisay.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lahaa Waddooyinka Gobolka ee ay Al-Shabaab go’doomiyeen iyo soo celinta adeegyadii Bulshada.