Maamulka Puntland oo Maalmo u Qabtey Iney Isku Soo Diiwaan Geliyaan Shaqalaha Ajnabiga ee Ku Sugan Halkaas

0
37

Dowlad goboleedka Puntland ayaa waqti kooban u qabtay inay isku-soo diiwaangeliyaan Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada Maamulkaas si loo hubiyo tiradooda saxda ah.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha puntland ayaa Shaqaalaha Ajaanibta ku amray inay u hoggaansamaan shuruucda dalka,isla markaana sida saxda ah isku diiwaangeliyaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray wasiirka in Shaqaalaha Ajaanibta la doonayo inay isa-soo diiwaangeliyaan inta ka horaysa 30-ka bisha June ee sanadkaan 2019 cidii isdiiwaangelin weysana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha puntland ayaa dhawaan cwaxaa ay deegaanada Puntland ka ceyrisay Shaqaale ajaanib ah oo eedeyn kala duwan loo jeediyay halka kuwo kale loo diray warqad ay ku qoran tahay inay ay keenaan ruqsada shaqaalenimo in kastoo aysan fulin awaamiirtaasi.