Kulan ay Itoobiya Ku Lahaayeen Wadamada Geeska Afrika oo Lasoo Gabagabeeyey

0
143

Waddamada geeska Afrika ayaa shir uga soo gabagaboobay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, shirkaasi oo looga hadlayey ganacsiga, is-dhexgalka iyo dib u dhiska waddooyinka.

Dowladda Soomaaliya oo xubin ka ah ururka waddamada geeska Afrika ayaa shirka waxaa uga qeyb galay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Bayle Ducaale, waxaana uu sheegay wasiirka in qodobbo muhiim ah ay kala soo laabatay Soomaaliya shirka.

Wasiirka ayaa inta ku daray shirka in diiradda lagu saaray saddex qodob dib u dhiska waddooyinka , waddan walba waxa uu keeni karo, horumarinta bulshada gobolka, ganacsiga iyo is dhexgalka.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle, wuxuu sheegay shirka oo daba socday kulan horey uga dhacay magaalada New York ee dalka Maraykanka inay qodobbo muhiim ah ka soo baxeen, oo la filayo inay maalgaliyaan Midowga Afrika iyo bangiga adduunka.