Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Sheegay In Dhawaan Ay La wareegi Doonan Fariisimida Ay Ku Sugan Yihiin Alshabab

0
37

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), ayaa sheegay ciidammada xoogga Soomaaliya inay wadaan dedaallo lagu doonayo sidii al-Shabaab looga saari lahaa dalka.

Wuxuu soo bandhigay rajo ay ciidammo dowladda ku gaari karaan dhammaan deegaannada al-Shabaab ee ku sugan yihiin, isagoo marka sheegay dabayaaqada sannadkan in lagu gaari doono deegaannada.

Waxaa kalo uu sheegay dowladda inay kaga guuleysatay al-Shabaab dagaalka ay kula jirto, isagoo marka tusaalo usoo qaatay in dagaalyahanno iyo saraakiil tiradii ugu badneyd ah ay si joogta ah isugu soo dhiibayaan dowladda.

Dhinaca kale, wuxuu uga digay warbaahinta wararka ay faafinayaan, isagoo marka tilmaamay in sharciga lala tiigsan doono ciddii warar been ah ka baahisa hay’adaha amniga.