Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya in Mukhtaar Roobow Xanuunsan yahay oo Cisbitaal La Dhigay

0
171

Qaar ka tirsan warbaahinta ayaa warar been abuur ah isla dhex marayey baraha bulshada ay ku kulmaan kuwaasi oo sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow oo xanuunsan yahay isla markaana la dhigay cisbitaalka Digfeer taasoo ah arin been oo aan wax ka jirin.

Xiriiro kala duwan oo aan la yeelanay gudaha dalka somaliya iyo weliba shaqsiyaad qaraabo hoose la ah Sheekh Mukhtaar ayaa inoo xaqiijiyey in arintaasi aysan waxba ka jirin isla markaana uu caafimaadkiisa yahay mid aad u wanaagsan.

Inta badan wararka been abuurka ah oo ay sameynayaan warbaahinda qaar ayaa waxaa uu salka ku ahayaa sidii ay ku heli lahaayeen dad badan oo booqda taasoo keentay in inta badan qoraaladooda ay noqdaan kuwo aan ku saleysneyn xaqiiqda dhabta ah ee jirta.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa in mudo ah waxaa uu si sharci daro ah ugu xiran yahay dowlada dhexe walow ay marar kala duwan isku dayeen in ay waanwaan aan soconeyn la tyeeshaan sheekh taasoo uu sheekha ka door bidey in uu meeshiisa isaga jiro intuii uu qaadan lahaa go,aan ka hor imaanaya xoriyadiisa.