Reer Koonfur Galbeed Maka War Hayaan Dulmiga Lagu Hayo

0
369

Dulmiga waxaa lagu sheegay,in uu leeyahay dhibaatooyin farabadan Dhibaatadasi ayaa Lagu haayo Reer Koonfur galbeed soomaaliya,imaad Al-Dahabi kitaabkiisa caanka ah ee Al-Kabaa’ir wuxuu ku soo ururiyay 70 nooc oo ka mid ah denbiyada waaweyn,dulmiga wuxuu geliyay lambarka 26, waxaana la wada ogsoon yahay,intaanan meel kaleba aadin,cid kalena aan xagxagan,wixii ka dhacay dalkeena iyo hooggii u danbeeyay dadkii geestay dulmiga.

Dulmiga la geesanayo waxaa ka mid ah, dadka sida xaqdarrada ah loo dilayo ama loo dhibaataynayo ama loo xirayo ama hantidooda loo boobayo ama loo aflagaadeynayo iyagoo aan waxba galabsan,waxaana la ogsoon yahay in maalin walba dad Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya la xasuuqayo ama la gowracayo ama xaqooda la duudsinayo,cid dan ka lehna aysan jirin oo arrintaasi ka hadasha Haday Ahaan lahayd Siyaasiintoda ama Xildhibaanadooda, sheekadiina waxay noqotay,maxaa iga galay,ma isku reer baan nahay,ma isku qabiil baan nahay,yaaba diin eegaya,waliba kuwo badan oo ku soo ganbada qaalallaahu iyo qaalarrasuulu sallallaahu caleyhi wasallama ayaan dan ka lahayn Kuwa Hadaanunahay Beshaasi.

Madax kastana meel buu xirtay oo qabiilkiisa deggan yahay,maamul gooni ahna wuu u samaystay lkn taasiba hadiisiiracano maxaa u diiday inay ay xirtaan Dadka ka soojeeda Degaanada Koonfur Galbeed soomaaliya , Masculiinta Reer KGS wuu ku mashquulay Danihiisa Gaarka ah, danna kama laha dalka iyo dadka iyo diintaba,qabiilkiisa mooye,xataa qabiilkaasi marka uu ku danaysto ayuu haddana ka danaysanaya,aaway wadaaddadii Dhabta ahaa oo Ka soojeeda KGS dadka u wacdinaayay oo dacwadii la ordaayay,oo la rabay in ay dulmiga ka hadlaan, markastana ay u soo saaraan bayaan ay ku difaacayaan dadka la dulmay iyo dhibka uu leeyahay dulmiga.

Dulmiga waxaa ka hadli kara,qof aan xaqa ka ganban,waxaa ka hadli kara qof aan cidna ka baqayn,Allaha abuurtay mooye, dadka ahlu cilmiga ah iyo dhalabatul cilmiga,waxaa saaran mas’uuliyad aad u weyn kaasoo ah in ay dadka uga digaan khatarta ay leedahay dulmiga, kuwa dibedda joogana waxaa lagu boorinaya in aysan waqtiga isaga qaadin,sidii ay lacag u heli lahaayeen iyo Reer hebel soo dhoweyntiisa iyo heblaayo soo dhoweynteeda iyo lacag lagu soo dhoweeyo u raadintooda iyo hotelkii ay seexan lahaayeen u raadintooda,sheekooyinka qaxwada lagu hayo waa isku wada mid,qof kasta waa amiir wuuna isla saxsan yahay, ra’yigiisa ayaana toosan,ra’yiga ka soo horjeedana waa khalad,haddii aad hal qaxwe fadhiisato waa hal sheeko,haddii aad bil ka maqnaato kaddibna aad ku soo laabato,waa isla sheekadi,dadkii waxaad moodaa in aakhiro la seejiyay oo shaydaankii faa’idaystay,cadowgii islaamkuna guul ku socdo.

HADALKAYGA ULAJEEDADIISA

Dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa ansixiyey dalacsiinta illaa shan xubnood oo ka mid noqon doona safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka saaxiibka ah iyo kuwa aynu walaalaha nahay Waasiday hadalka udhigeen.

Safiiradan oo aan weli howlgelin, lana magacaabin safaaradaha ay ka howlgeli doonaan, ayaa waxaanu halkan idinkugu soo gudbineynaa magacyada iyo qabiilada safiirada iyo diblomaasiyiinta kale ee jooga safaaradaha ay Somalia ku leedahay dalalka caalamka qaarkood, Markaad maqasho D&M waxaad xasuusanaysaa qowmiyada uga tiradabadan Soomaaliya hadana waxaa ku soodhacayo mascuulinta ugu liidata waa siday ay aaminsanyihiin soomalidakela in ay jaceylyihiin inyer lacag lasiyo ay ku xolgalaan.

Daarood 11 safiir 2 qunsul Diblanasi 45 total 58
Hawiye 10 safiir 1 qunsul Diblamasi 42 total 53
Digilmirifle 3 safiir 1 qunsul Diblamasi. 15 total 19
Besha dir 4 safiir 1 qunsul Diblamasi 19 total 24
B shanad. 5 safiir. 0 qunsul Diblamasi 15 total 20

Darood vs hawiye total 111 boqol kow toba
Digilmirifle vs Dir vs B shanad 68 lexdan iyo sideed

Laba beelood 111 qaateen
Sedax beelood. 68 qaateen
Somali ilahay ma isku keeno 1960 abtu now

Qore Wariye Mohamed Wadani