Dhegeyso Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland oo Sheegay Inay Dhawaan Alshabab Ka Xoreyn Doonan Deeganada Ay Heystaan

0
54

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland oo booqday Saldhigga Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin degaano ka mid ah gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in howlgalka xoraynta degaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo wuxuu intaas ku daray in dhawaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Gobolka Jubbada Dhexe isagoo sheegay in Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay.