Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka oo Laga Jaray Gunadii Uu Qaadan Jirey Waa Maxay Sababta

0
60

Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Sababta kenetay in laga jarto Lacagtii Madaxtooyada Soomaaliya siin jirtay.

Jawaari ayaa waxa uu tibaaxay inay Lacagta gunada uu heli jiray Muddo bilo ah helin kadib markii ay Dawlada Dhexe Madaxdeeda Amreen in la joojiyo.

Jarida Gunada ayaa waxaa ay salka ku heysaa kadib kolkii uu Prof Jawaari kulan la qaaday hogaamiyaha xisbiga Himilo qaran Sheekh Shariiff isla markaana uu kala qeyb qaatay kulankii ay himilo qaran qabsadeen bishii April ee ina soo dhaaftay.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa la sheegay in Ciidankii ilaalada u ahaa ay badankood Dhaqaale la’aan uga kala tageen markii gunada Laga jartay.

Dawlada Soomaaliya ayaa u aragta dadka ka fikir duwanaada mid ay ku sameyn karto Culeys ama Ay Taako Saari karto,sida dhacdayna waxaa hadda Jawaari uu noqday mid Gunadii loo diiday.