Madaxa Mashaariicda Bariga Africa oo Maanta Kulan La Qaadatey Cabdulkhadir Shariif

0
53

Wafdi ay hogaamineyso madaxa mashaariicda bariga Afrika ee Bank Aduunka ayaa maanta soo gaarey magaalada baydhabo.

Wafdigan oo ay hor ka ceysay Makiko Watanabe oo ah madaxa Bariga Afrika ee banka aduunka ayaa kulamo xasaasi ah la qaadatey gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed shariif sheekhunaa maye.

Wafdigan ayaa socodaalkiisa ahaa qiimeyn iyo kormeerida mashaaricdii ka soctey koonfur galbeed oo maal gelinayey Banka aduunka.

Intuu shirka socdey ayaa waxaa shariif sheekhuna wax laga waydiiyey mushaaraadka shaqaalaha iyo hanaan bixinta mushaaraadka ayagoona sheegey in ay haayaan cabashooyin qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo banka aduunka mashaaraadkiisa bixiyo Kuwaas oo ka cabanaya in aysan helin xaquuqdooda mudo 5 bilood ah.

Dhanka kale Banka aduunka ayaa joojiyey mashruuc horey ugu deeqey kaas oo ahaa ilaa 8 wado in laga dhiso magaalda baydhabo waxaana balantu eheyd in mashruucaasi la furo maanta hase yeeshee Makiko Watanabe ayaa ku dhawaaqdey in dib loo dhigey isla markaana sharuudaha qaar ay tahay in lasoo buuxiyo.