Xildhibaan Ilyaas Cali oo Been Ka Sheegay Heysashada Basaborka Jarmalka Bal Horta Waa Kuma Ilyaas Cali?

0
157

Waxaa maalintii shaley magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay qayb kamid ah Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta DF Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo maalintii shalay loo diiday inay baasaboorka Soomaaliga ku galaan dalka Kenya,Xubnaha dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxay kala ahaayeen Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Cismaan Libaax, Xildhibaan Caqalka sare Ilyaas Cali Hasan iyo Samsam Dahir kuwaasi oo loo diiday inay dalka Kenya ku galaan Baasaboorka Soomaaliga halka wafdiga intiisa kalena ay Baasabooro Ajnabi ah oo ay heysteen ku galeen dalka Kenya isla markaana ay halkaasi kaga qayb galeen shirkii ay ku wada socdeen wafdiga.

Dhacdadaan ka dib ayaa waxaa aad u batay hadal haynta dhacdadan iyadoo Baraha Bulshadana si aan kala go’ lahayn mucaarad iyo muxaafadba ay aad uga doodeen halka dooda inteeda badan ay ku socotay Xildhibaan Caqalka sare Ilyaas Cali oo in badan oo ka mid ah dadka dooda ka qayb qaatay ku mashquulay sababta uu ula soo bixi waayay Xildhibaan Ilyaas Baasaboorkiisa Jalmalka oo aad loo rumaysnaa inuu haysto dhalashada Jarmalka.

Intaa kadib ayaa waxay Daafeetmedia u dhaqaaqday raadinta xaqiiqda waxa ka jira in Xildhibaan Ilyaas uu haysto dhalasho Jarmalka iyo in kale.

Waa kuma Xildhibaan Caqalka Sare Ilyaas Cali?

Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan waxa uu ku dhashay kuna soo barbaaray degmada Buurhakaba gobolka Baay KoonfurGalbeed Soomaaliya,Waxaana markii ugu horeysay saaxada Siyaasada dalka uu kasoo dhex muuqday xiligii Maxkamadaha Islaamiga ay ka hana qaadeen Koonfurta Soomaaliya si gaar ahna waxa uu lasoo shaqeeyay Maxkamadii Islaamiga ee Al-Bayaan oo uu horjoogaha u ahaa Sheekh Bilaal.

Xildhibaan Ilyaas Cali ayaa waxa uu Maxkamada Al-Bayaan wakiil uga noqday magaalada Buurhakaba oo ahayd halkii uu ku dhashay kuna soo barbaaray kadib Burburkii Maxkamaduhuna waxa uu ka mid noqday xubno badan oo dalka dibada uga baxay isagoo tahriib u galay xagaas wadamada reer Yurub waxaana uu gaaray dalka Giriiga halkaasi oo uu ka noqday MUKHALAS xirfadle ah (Magefe) aad weyn oo dadkii socotada ahaa u kala safrinaayey wadamada qaabila qaxootiga ee Yurubta Galbeed.

Hadaba si uu nidaamka Giriiga oo si aad ah ula dagaalamayay MAGEFYAASHA uu uga nabadgalo waxa uu dalka Giriiga ka diiwaan gashaday waxa loogu yeero Xarunta jaaliyada Soomaaliyeed ee Giriiga taasi oo isla isaga gudoomiye ka noqday bilaabayna inuu ku lacag aruursado isagoo sheegaaya in qaxootiga Soomaaliyeed uu wax ugu qaban doono halka xirfadiisa MAGEFANIMANA uu halkeedii kasii waday,Meelaha ugu badan ee uu lacagaha magaca dhibanaha Soomaaliyeed uu uga qaadi jiray waxaa ka mid ahaa Xawaaladaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah hay’adaha daneeya arimaha Qaxootiga.

Mudo kadib baaris iyo dabagal hay’adaha Anmiga Giriigu ay ku hayeen Ilyaas Cali waxay ku soo qabteen Baasabooro Been Abuur ah oo gaaraya ilaa iyo boqol Baasaboor oo wadamo kala gedisan laga kala leeyahay, Lacago cadaan ah, Dhacdadaan ka dib ayaa Ilyaas Cali waxaa loo jaray inuu wadanka Giriiga uu uga baxo mudo ku siman 24 saac waxa uuna sidaa ku galay dalka Sweden isagoo tahriib ah wuuna iska dhiibay.

Ilyaas Cali ayaa isla markiiba waxa uu guda galay sidii uu ugu guulaysan lahaan in dalka Sweden lagu qaabilo nasiib darose waa ay u suura gali weyday oo waa la diiday waxa uu kadib dib uga soo baxay dalka Sweden isagoo soo gaaray Jarmalka halkaasi oo uu ku guursaday gabar degeneyd sharcigii degenaanshahana uu ku qaatay halka uu mudo kooban oo uu joogay dalka Jarmalkana uu qaatay travel ducument oo aan ahayn Baasaboor balse safarada qaar loogu ogolyahay qofka la ogolaaday inuu ku maro wadamada qaar,Intii aan ku guda jirnay baadi goobka xaqiiqda inuu Ilyaas Cali haysto Baasaboor Jarmal ah iyo inkale waxaa inoo cadaatay in aanu lahayn dhalasho Jarmal ah sidaasina ay ku dhacday in laga soo celiyo Kenya maadaama Baasaboorka Soomaaliga ah aan u raacin mid kale.

Ilyaas Cali oo helay travel ducument dalka Jarmalka iyo waxaa isku soo hagaagay safar Shariif Sakiin uu ku soo gaaray dalka Swizerland Ilyaas oo arintaas ka war helay ayaa isna safarkiisa ugu horeeyey waxaa uu ku tagey dallka Swezerland si uu ula kulmo Shariif Sakiin iyo dhalinyaro la socotay oo ay ka mid ahaayeen Osama iyo Mursal isagoo muhiimadiisuna ahayd siduu Xildhibaan u noqon lahaa.

Shariif Sakiin iyo wafdigiisa markii ay ku noqdeen Soomaaliya oo ay soo dhawaatay xiligii doorashada Xildhibanada waxaa dhacday in Ilyaas Cali uu si deg deg ah ugu ambabaxo magaalada Baydhabo si uu uga mid noqdo musharixiinta u tartamaya xilka Xildhibaan-nimo isagoo gacan ka helaayo maamulkii Shariif Sakiin oo xiligaas gacanta ku hayay maamulka KoonfurGalbeed, Ha yeeshee Ilyaas Cali ayaa waxa uu si lama filaan ah ula kulmay weerar uga yimid dhanka beesha Eelaay oo uu damacsanaa inuu ku tartamo kursi ay iyagu leeyihiin,Waxayna beesha Eelaay xiligaasi ay hoosta ka xariiqeen in Ilyaas Cali uu kasoo jeedo beesha Ajuuraan kursigiisana uu dhex yaalo beesha Shanaad kana doonto balse Shariif Sakiin oo u arkayay Ilyaas Cali inuu kula dagaalami karo Maxamed Sheek Cismaan Jawaari oo dagaal siyaasadeed oo dhan haymanada iyo Hogaanka Digil iyo Mirifle ah ka dhexeeyay ayaa waxa uu Ilyaas Cali u suura geliyay inuu ku soo saaro kursiga Caqalka Sare ay ku lahaayeen beesha Eelaay.

Ilyaas Cali oo ah ruux aad u bartay howlaha rogroga iyo wax is dabamarinta ayaa xiligan waxa uu xubin ka yahay Xisbiga Himilo oo uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed halka kursiga Caqalka Sare ee beesha Eelaayna uu ku fadhiyo isaga oo Ajuuraan ah.