Ciidamo Ka Tirsan Alshabab oo Lagu Diley Duleedka Deegaanka Ceelgaras

0
94

Warar aynu ka helnay degmada xudur ayaa sheegaya in duleedka deegaanka ceel garas lagu diley ciidamo ka tirsan alshabab oo halkaasi ku sugnaa.

Dagaalkan ayaa waxaa soo qaaday ciidamo reer tiyeegloow ahaa oo ku sugnaa degmada xudur kuwaasi oo si gaadmo ah ugu soo duuley fariisimo ay ciidamada alshabab ku lahaayeeen duleedka deegaanka ceel garas.

Dad goob joog ahaa ayaa waxaa ay inoo sheegeen in dagaalkas gaadmada ah alshabab looga diley in ka badan toban ruux halka dhaawacana uu gaarayey 5 xubnood ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca alshabab oo ku aadan dagaalkaas.

Si kastaba arintu ha ahaateen dagaalada ay isaga hor imanayaan dadka deegaanka iyo alshabab ayaa beryahan kusoo xoogeysanaya deegaano ka mid ah gobolka bakool halkaasoo ay si aad ah ugu sugan yihiin maleeshiyaadka xarakada alshabab.