Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon

0
129

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa geeriyootay 11 kalana waa ay dhaawacmeen, kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray uu ku qarxay bar kontorool oo ku dhow agagaarka taalada Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Nuur Shabeel, oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac fudud, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Wararka laga helayo khasaaraha qaraxa ka dhacay ayaa inta ku daraya dadka geeryooday inay ku jirto Fadumo Cali Raagge oo ka mid ahayd ciidanka milateriga iyo mid ka mid ah ilaalada xildhibaan Maryan Cariif .

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa cambaareeyey weerarka, isagoo uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay,waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed aysan marnaba ka daali doonin badbaadinta Shacabkeeda.