Maamulka Koonfur Galbeed oo Isku Bedelay Maamul Ku Dhisan Qoys, Seedi & Sodohnimo

0
92

Ilo ku dhow dhow maamulka Cabdicasiis Lafgareen ayaa walaac ka muujiyey qaabka uu shaqeynayo.

Ilahan ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Cabcasiis Laftagareen iyo weliba kuwa ka hoose shaqeeya ay garan la yihiin qaabka maamul wadaaga iyo weliba maamuuska dowladnimo taasii sababtey ayey leeyihiin in reero isla dhashay ay xilal kala duwan ka hayaan maamulkaas.

Balka halkan hoose ka aqriso qaabka ay u dhasheen shaqsiyaadka iyo weliba xilalka ay ka kala hayaan maamulka konfur galbeed ee uu hormuudka ka yahay Cabdicasiis Lafta Gareen

1- Gudoomiyaha Deg. Baydhabo, Abdullahi Ali Watiin/ Abdukadir Watiin (Gudomiyaha Qaxootiga KGS)

2- Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada KGS Ibraahim Baafo/ Yuusuf Baafo (Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KGS)

3- Madaxa Protocol ka Madaxtooyada KGS Adan Abdinasir/ Shukri Abdinasir (Agaasimaha Hawlgelinta Was. Amniga KGS)

4- Agaasime ku xigeenka Airport ka Dawlad Goboleedka KGS Mad Sh. Abdilahi/ Mustaf Sh. Abdilaahi (Agaasimaha Guud Was. Arrimaha Gudaha K Galbed)

Sidoo Kale Waxaa Jirta Aabe & Caruurtiisa.

1- Gen Mahad Abdiraxman Adan Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay, Ahna Sii haayaha Taliyaha Qeybta Koonfurgalbeed
2- Abdifatah Mahad Abduraxman Regional Security Officer (RSO)
3- Agaasimaha Lakeensaday oo Gabadha Mahad Qabo adeerna u yahay.

Waxaan filayaa in Koonfurgalbeed ay Ka wayntahay Dowlad Kudhisan Qoys , Seedi & Sodohnimo.