Wasiir Ka Tirsan Maamulka Koonfur Glabeed oo Aan Weli Garan Waxa Ay Shaqadiisu Tahay

0
117

Wararka inaga soo gaaraya magalada baydhaba ayaa sheegaya in wasiirka dekedaha iyo gaadiidka bada maamulka koonfur galbeed Cumar Axmed Aadan ayaa faraha la galay shaqo aan isaga laheyn isaga oo isku deyey in uu hareer mariyo barnaamij ay maamulka koonfur galbeed ugu tala galeen degmada walaaweyn.

Kulankii ugu dambeeyey ee ay yeesheen golaha wasiirada maamulka koonfur galbeed ayaa lagu ansixiyey in qaar ka mid ah degmooyinka gobolka shabelaha hoose loo tabbaro ciidan boliis ah degmadiiba 100 askari, Taasoo qeybtii kusoo aaday degmada walaweyn Wasiirka Dekedaha uu damcay inuu is dabarayo isaga oo heshiis hoose lasoo galay kooxo kale.

Falkan uu wasiirka sameeyey ayaa waxaa isla markiiba ka war heley qaar ka tirsan masuuliyiinta koonfur galbeed ee kasoo jeeda degmada walaweyn kuwaas oo kusoo wargeliyey odayaasha dhaqanka iyo weliba xildhibaanada federaalka taasoo keentay in isla markiiba laga daba tago.

Falkan uu ku kacay wasiirka ayaa qaar badan oo ka tirsan shacabka degmada walaweyn si aad ah uga careysiiyey iyaga oo ku tilmaamay in uusan eheyn masuul mateli kara danaha shacabka degmada walaweyn maadaama uu garan waayey muhiimada ay leedahay in uu mar walba soo dhiciyo danaha dadka uu matalo.