Masuuliyiin Ka Tirsanaa Dowlada Federaalka oo Xalay Ku Xanibnaa Neyroobi oo Maanta Dib Loogu SDoo Celiyey Magalada Muqdisho

0
38

Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka oo tan iyo xalay ku xanibnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, kaddib markii loo diidday dal ku galka Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya, Cusmaan Libaax iyo labada Senator ee kala ah Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee lagu xanibay Joma Kenyatta.

Mas’uuliyiinta ayaa xalay dhex -seexday garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta,sida laga soo xigtay wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha, Cusmaan Libaax, halka Senator Ilyaas Cali Xasan uu isna goor dhow xaqiijiyay inay si nabad ah ku soo gaareen Muqdisho.

Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayaan in xubnahan ay u socdeen shir caalami ah oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi, kaasoo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Urur gobolleedka IGAD iyo dowladdaha saddexda ah ee Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.