Bananbax Looga Soo Horjeedo Go,aankii uu Qaatay wasiirka Wasarada Waxbarashada oo Maanta Ka Dhacay Magalada Muqdisho

0
52

Magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka bilowdey bananbax ay dhigayeen ardeydii ka qeyb geli laheyd Imtixaankii dowladda ee maanta la hakiyay, kuwaa oo ka cabanaya go’aanka ay Wasaarradda Waxbarashada.

Banaanbaxan ayaa waxaa uu ka dhacayey Waddada Maka Al-Mukarama ee halbowlaha u ah isku socodka magaalada Muqdisho ayaga oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Wasiirka Wasaarrada Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre.

Ardeydan bananbaxa dhigeysay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin joojinta Imtixaan waqti badan ku bixiyeen ka qeybgalkiisa, islamarkaana uu dhaqaale uga baxay, hasse ahaatee Wasaarrada Waxbarashada ayaa sheegtay in uusan sii socon karin Imtixaanka marba haddii la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii lagu keenay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay cabashada ardeyda iyo go’aanka lagu joojiyay Imtixaanka intaba.