Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ku Baaqay In Sharciga lala Tiigsado Cid Walboo Ka Dambeysay Xadida Intixaanaadka Dugsiga Sare

0
42

Gudoomiyaha gobolka banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa fal-danbiyeed weyn ku tilmaamey dadkii ka dambeeyey xadida intixaanaadka dugsiyada sare ee dalka isagoo sidoo kale ku booriyey in cadaalada la horgeeyo dadkii ka dambeeyey,

Eng Yarisow ayaa ugu baaqay Xeer Illaalinta Qaranka iyo Hay’adaha Baarista Dambiyada ee Booliiska in si deg-deg ah tallaabo waafaqsan sharciga lagu horgeeyo cid walba oo ku xadgudubtay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee u soo diyaar garoobay in ay raacaan nimdaamkii loo dajiyey imtixaanka heer qaran ee Dawladdu qaadeysay.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa Ardeyda iyo waalidiinta ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan mar haddii imtixaankii suuqa galay, isagoo ku tilmaamay go’aanka Wasaaradda ee dib loogu celiyey imtixaanka mid sax ah.

Eng. Yarisow ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saari doono sidii looga hortagi lahaa fal dambiyeedkan foosha xun oo Sumcada Soomaaliya meel weyn uga dhacay, cid walba oo ku lug leh arrintanna ay sharciga mari doonto.