Alshabab oo Maanta Weearar Kusoo Qaaday Fariisimo ay Ciidamada Dowlada Ku lahaayeen Deegaanka Beriire

0
62

Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay weerar culus oo dhowr jiho ah kusoo qaadeen deegaanka Bariire ee ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya.

Saraakiil dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa isku day Al-shabaab ay ku doonayeen in ay dib ula wareegaan deegaanka hasse ahaatee iska cabin weyn kala kulmey ciidamada DANAD ee gacanta ku haya halka lagu dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay xalay saqdii dhexe isu adeegsadeen madaafiic culus.

Deegaanka Bariire ayaa dhowr jeer oo hore waxaa gacan ku heyntiisa isku badbadalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, waana halka ugu badan oo ay ku dagaalamaan labada dhinac.