Maamulka Puntland oo Ka Horyimid Go,aan Ay Qaadatey Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Xukuumada Federaalka

0
43

Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Diinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa kasoo horjeestay guddi qaabilsan kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan, oo ay dhowaan magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu sheegay in aan lagala tashan Wasaaradda diinta ee maamul goboleedyadda, islamarkaana Wasaaradda ay qaadatay go’aankaan si kalinimo ah.

Waxaa uu sheegay in xukuumadda Puntland ay si cad uga horjeeddo, guddiga ay magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya ee loo xilsaaray, kala xulista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada Xajka ee sannadkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay, in ay musuqmaasuqday qoonadii Puntland ka heshay 11500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo xujeey ah, kuwaasi oo Sacuudigu u xadidday in ay Sannadkan ka soo xajiyaan gudaha Soomaaliya.