Howlgalo Lagu Sugaayo Amniga oo Xaley Laga Sameeyey Degmada Dharkanleey

0
46

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo lagu sugayo amniga ka sameeyay habeenkii xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

Howlgaladii xalay ayaa la sheegay in ciidamadu ay kusoo qabqabteen dhalin-yaro badan oo intooda badan laga soo saaray xili habeenimo ah hoygii ay degenaayeen.

Dhalinyarada lasoo qabqabtey ayaa la isugu keeney goob fagaaraa ayadoo halkaasi su’aalo ku saabsan amniga lagu weydiinayey.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ay ciidamadu waxaa ay howlgalo kuwani la mid ah ka sameynayeen degmooyinka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho, iyaga oo howlgaladaasi kusoo qab qabtay dhalinyaro ay sheegeen in looga shakisanyahay falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.