Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad “Oomaar” oo bilaabay Musuqmaasuqida Arimaha Xajka Sanadkan 2019.

0
121

Sida aynu la wada socono, sanadkii hore ee 2018ka waxa habsaan iyo dib u dhac weyni ku yimid safaradii ay Xujaajta Soomaalidu ku tagi lahaayeen Xajka iyo Xaramka, iyaga oo kuba sigtay inay sanadkaa ka hadhaan Xajka. Sidoo kale waxa aad u yarayd (marka loo eego sanadihii hore) tiradii nasiibka u heshay inay tagaan Xajka sanadkaa maadaama wakhti dambe la bilaabay xaraynta visayaasha Xujaajta.

Dib u dhaca, habsanka iyo tiro yaranta Xujaajta waxa masuuliyadeeda koowaad lahaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) oo isagu xanibay shirkadihii waaweynaa ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways kuwaas oo muddo dheer qaadi jiray Xujaajta Soomaalida. Taa badalkeeda, Wasiirku waxa uu watay shirkado isagu heshiis la galay, qaarkoodna uu lacag laaluush ah ka qaatay isaga oo magacyada shirkadahaas u gudbiyey Hayada Duulista Madaniga ah ee Sucuudiga una sheegay inay shirkadahani yihiin kuwa soo qaadaya Xujaajta Soomaalida sanadkaa.

Dawlada Sucuudigu waxay aad iyo aad ula yaabtay Wasiirka, sababta oo ah shirkadahaa uu sheegay rukhsad ama ogolaansho kamay haysan Sucuudiga, ma jirin wax duulimaad ah oo ay hore ugu tageen Sucuudiga, ma jirin codsiyo ay ku dalbadeen ogolaansho (permission), xafiisyo ama wakiilo kumay lahayn Sucuudiga isla markaana may ahayn shirkado laga yaqaan ama maqlayba dalka Sucuudiga. Sidaa daraadeed, Wasiirku waxa uu diidmo kala kulmay Hayada Duulista Sucuudiga oo qorshihiisii waxba kama jiraan ka dhigtay, waxaana si toos ah loogu sheegay in Daallo Airlines iyo Jubba Airways ay yihiin shirkadaha rasmi ahaan loo aqoonsan yahay inay qaadayaan Xujaajta Soomaalida.

Hadaba, Wasiir Oomaar oo sanadkii hore hungo iyo fadeexad kala kulmay qorshihiisii hungurigu hagayey, waxa uu sanadkan xilli hore sii bilaabay una sii diyaar garoobay siduu u musuqmaasuqi lahaa arimaha Xajka. Wasiirku sanadkan waxa uu wataa shirkado yaryar oo laga leeyahay dalka Kenya kuwaas oo uu doonayo inuu magaca Soomaaliya huwiyo si ay uga mid noqdaan shirkadaha qaadaya Xujaajta Soomaaliya. Waa dhuumasho dhabarku muuqdo. Sidoo kale Wasiirku waxa uu isku dayayaa inuu si khaldan ugu shaqaysto guddi uu magacaabay oo la yidhaahdo Guddida arimaha Xajka, isaga oo raba inuu daaha dabadiisa ka hago hawshiisa musuqmaasuqa ku salaysan.

Wasiir Oomaar waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi “Farmaajo” u sheegay in Wasaaradiisu ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka hawada taasi oo been cad ahayd maadaama ilaa maanta ay hayada ICAO gacanta ku hayso masuuliyada hawada Soomaaliya kana maamusho Muqdisho. Arinkani waxa uu sababay in Wasiirku canaan kala kulmo Madaxweynaha isla markaana lumiyo/waayo kalsoonidii Madaxweynaha loona arkay Wasiir aan daacad ahayn. Intaa waxa dheer, Wasiirka waxa lagu eedeeyey inuu sameeyey musuqmaasuq balaadhan ka dib markii shirkad uu isagu leeyahay uu siiyey qandaraasyo aan dadka loo soo bandhigin oo ay bixinaysay Wasaarada uu masuulka ka yahay (Xigasho Goobjoog) arinkaa oo uu aad uga cadhooday Raysal-Wasaare Khayre. Arimahaa iyo kuwo kale oo jira awgeed, Wasiir Oomaar maanta waxa uu ogsoon yahay in wakhtigii uu ka sii mid ahaan lahaa dawlada Khayre inay soo gaabatay isla markaana gabogabo ku dhaw dahay, sidaa daraadeed waxa uu taagan yahay “Nin qoyani biyo iskama dhawro” waxaanuu ku dadaalayaa in wakhtiga yar ee uu sii joogo Wasaarada inuu helo lacagta ugu badan ee suurtogal ah si uu uga qabgalo tartanka Madaxtinimada Jubbaland kaas oo dhici doono badhtamaha bisha August ee sanadkan.

Guntii iyo gabogabadii, musuqmaasuqan uu faraha kula jiro Wasiir Oomaar waa mid ka mid ah sababaha ay Soomaaliya u noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan aduunka oo dhan. Ugu danbayntii waxaan Wasiirkan “Lacag daydayga ah” xasuusinayaa inuu illaahay ka baqo, ummadana ka xishoodo oo faraha kala baxo musuqmaasuqan uu ku hayo arimaha Xajka.

Qore: Cabdikariim Cali

baarjeex1979@gmail.com