Gudiga Doorashooyinka oo Maanta Buuxiyey Kuraastii Xildhibaanimo ee Beelaha Geledi iyo Begedi

0
88

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa Magaalada Baydhabo maanata ku qabtay doorashooyin lagu buuxinaayo kuraas xildhibaan federaal oo horey u banaanaa.

Labada kursi oo uu mid baneeyey taliyihii hore ee NISA Xuseen Calool Kuus midka kalana uu ka dhintey alaha u naxariistee xildhibaan Cabdullaahi Ruush.

Gudiga doorashooyinka ayaa markii hore ku hormarey buuxinta kursiga uu baneeyey Taliyihii hore ee Nisa Xuseen Cusmaan Xuseen kaasoo ay isku soo sharaxeen Musharax Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) iyo shaqsi ay walaal yihiin taliyihii hore ee Nisa oo isna lagu magacaabo Sayid Cali Cismaan Xuseen.

Kasoo markii dambe uu ku guuleystay Cali Sheekh Cabdullahi haka uu soo xaadiri waayey Musharax Sayid Cali Cismaan Xuseen.

Dhanka kale waxaa isna ku guuleystey kursigii uu baneeyey alaha u naxariistee Korneel Ruush Musharax Nuur Siidow Baaba Xasan oo heley 48 cod halka Fiqi Cabdullahi uu heley 1 cod.