Kenya oo Sheegtay In Ay Xiriir Toos ah La Yeelan Doonto Maamulka Somaliland

0
35

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay xiriir la yeelaneyso maamulka Somaliland, islamarkaana dhawaan u Magacaabi doono Wakiil cusub , kasoo ka qeyb qaadan doona xoojinta xiriirka Somaliland iyo dowladda Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda kenya ayaa ku wargalisay Mr Philip Mundia Githiora oo ah Agaasimaha Wasaaradda inuu abuuro xiriir dublomaasi oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Kenya, islamarkaana uu diyaariyo halkii uu ku shaqeyn lahaa Wakiilka cusub.

Monica Juma ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay kulamo joogto ah la qaadatay Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

Hadalkan kasoo yeeray madaxda dalka kenya ayaad moodaa inuu salka ku hayo qilaafyo yar yar oo soo kala dhex galay xukuumada federaalka iyo dalka kenya kaasoo salka intiiisa badan ku haya dooda dhinaca bada.