Safiirka Dowlada Mareykan u Fadhiya Somaliya oo Maanta Neyrobi Kula Kulmay Madaxda Maamul Goboleedyada

0
104

Safiirka dowlada mareykanka u fadhiya dalka somaliya Donald Yamamoto ayaa maanta magalada Neirobi ku shiray maddaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo JUbaland.

Kulankan ayaa waxaa ka maqnaa masuuliyiinta maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele oo labadaba ay si toos ah u maamusho dowlada federaalka isla markaana ka amar qaata xukuumada dhexe.

Kulankani ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Nairobi oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Madaxda seddexda maamul goboleedyadda.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii xal wadajir ah looga gaari lahaa siyaasada dalka somaliya iyo xiriirka maamul goboleedyada iyo xukuumada dhexe oo hadda ay ka muuqato khilaafaad fara badan oo haddii ay sidaan kusii socoto keeni kara burbur iyo dib-udhac cusub.