Dacwad Laga Gudbiney Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele

0
40

Dr Xusseen Cismaan Cilmi oo horay Wasiirka Xannaanada Xoolaha uga soo noqday maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in xubno gaaraya 11 Wasiirro horay uga soo noqday maamulka Hir-shabeelle dacwad ka gudbiyeen sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Wuxuu sheegay in dacwadooda oo soo martay heerar kala duwan ugu danbeyntii u gudbiyeen guddoonka maxkamada sare ee dalka, islamarkaana maalinta Isniinta ah la guda-gali doono.

Waa markii ugu horeysay oo maxkamada sare ee dalka loo soo gudbiyo dacwad ka dhan ah madaxda maamul gobolleedyada dalka oo la xiriirta mishaar la’aan iyo xuquuq la lusaday.

Marka laga soo tago sheegashada Wasiirka ee ah in maxkamada sare ay u gudbiyeen dacwada ka dhanka ah madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, dhinaca kale ma jirto cid kale oo warbaahinta u xaqiijisay jirintaanka dacwadan gaa.