Alshabab oo Xaley Werar Kusoo Qaaday Fariisimo Ay Ku Sugnaayeen Ciidamada Dowlada oo Ku Yaala Duleedka Degmada Afgooye

1
76

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaannadii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab ee dulleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in xalay halkaa uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ciidamo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo ay dhawaan la wareegeen.

Dagaal oo ahaa mid culus oo saacado badan qaatay ayaa leysku adeegsaday hub kala duwan, waxana la ogeyn ilaa iyo hadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka xalay.

Warar ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Sabiib, isla markaana askar ay ku dileen, Walow uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlada oo ku saabsan dagaalka.

1 COMMENT

  1. Meesha la sheegayo waa tuulada ama deegaanka SABIIT, ee ma ahan Sabiib ee magaca iska saxa, hana raacina warbaahinta aan dhulka aqoonta u lahayn ee waxay doonaan iska sheegaya, magacyada dhulkana dhalan rogaya !!!

Comments are closed.