Xildhibaano iyo Odayaal Kasoo Jeeda Hirshabeele oo Tegay Belidoogle Si Ay u Dhexdhexaadiyaan Beel Halkaasi Isku Leysay

0
68

Xildhibaano Odayayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin kale oo kasoo jeeda HIrshashabeele ayaa ku baxay dagaal u dhexeeyey beehsa Gaaljecel oo beryahan ka socday degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Odayaashii iyo xildhibaanadii hallkaasi tegey ayaa waxaa hogaaminaayey Ugaas C/raxmaan ugaas Cabdulkaahi, Senator Naciima Ibraahim Yuusuf, Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow wexeyna kulamo kula qaateen xerada belidoogle Odayaasha beesha Gaaljecel ee halkaasi ku dagaalamay.

Iska hor imaadkan u dhexeeyey beesha Gaaljecel ayaa la sheegay in uu salka ku bar koontorool oo ku taalla Galbeedka degmadaas, waxaana dagaalka uu sababay dhimashada 7 Ruux oo laba dhinac ah, iyada oo sidoo kale ay jirtay dilal gooni gooni ah oo la isku geystay.

Gabagabadii kulanka ayaa la sheegay in xal waara laga gaaray colaadii halkaasi ka jirtey ee u dhaxeysay dagaalyahano ka wada tirsan beesha Gaaljecel oo isku heystey iskuna laayey bar koontarool oo mid ka mid ah ciidamadaasi ay markii hore ku sugneyd.