Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Maanta Soo Gaaray Magalada Muqdisho

0
72

Waxaa maanta magalada muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd isla maraakana ah Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif sheikh Axmed, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyey Airporka Adan Cade.

Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha uga hortegey, Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar islow Ducaale, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Boqolaal ka mid ah Shacbaka Muqdisho oo wata Boorar lagu xardhay sawirka Sheekh Shariif iyo Astaanka xisbiga himilo Qaran ayaa taagnaa wadada u dhaxeysa Garoonka Aadan-Cadde iyo Xarunta Xisbiga.

Safarka Sheekh Shariif uu ku yimid magalada muqdisho ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo siduu u dardar gelin lahaa xisbigiisa Himilo isla markaana uu ula hadli lahaa taageerayaasha xisbiga.