Reer Koonfur Galbeed Goormey Ka Toosi Doonaan Hurdada Ay Ku Jiraan

0
148

Masuliyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaad mooddaa inay si fudud ku hilmaameen dhibaatooyinkii loo geystay shacabka xilligii doorashada maamulkaas, haddii ay noqon laheyd dil, xarig loo geysto shacabka iyo musharrixii madaxtinnimo ee xilligaas Mukhtaar Roobow oo ilaa iyo hadda u xiran dowladda.

Guddoomiyaha baarlmaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal iyo madaxweynaha loosoo magacaabay Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Laftagareen ayaa horey u sheegay inay is casili doonaan haddii aanan la sii deynin Mukhtaar Roobow, waxeyse u muuqataa inay ku fashilmeen middaas.

Inta badan aqoonyahannada iyo shacabka waxey ku samrayeen oo ay ka dhursagayeen qaabka dowladda federaaka ay u wajaheyso doorashooyinka kale ee maamul goboleedyada, si ay u ogaadaan in faragelinta qaawan ee dowladda federaalka ay tahay mid ay u wada siman yihiin dhammaan maamul goboleedyada.

Balse nasiib darro waxaa dhacday in masuuliyiinta dowladda xitaa loo diido inay tagaan magaalada Garoowe xilligii doorashada Puntland, taasoo dadka reer Koonfur Galbeed u xaqiijisay in Koonfur galbeed oo kaliya ay tahay midda had iyo jeer lagu hayo dhibaatooyin muuqda, xilli siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay yihiin kuwa iska aamusan oo u muuqda inay raalli ka yihiin dhibaateynta shacabka Koonfur Galbeed.

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta Daafeet Media waxa ay sheegayaan in dhawaan aqoonyahannada Koonfur Galbeed oo isugu jiro rag iyo dumar iyo dhallinyarada ay billaabi doonaan isla xisaabtan ku aaddan siyaasiyiinta maamulka iyo kuwa ku matala dowladda dhexe.

Sidoo kale markale waxaa jira baaq ay soo jeedinayaan waxgaradka Koonfur Galbeed oo ku saabsan sidii xorriyaddiisa uu dib ugu heli lahaa muwaadin Mukhtaar Roobow. Waxaana jira warar kusoo badanaya Baraha bulshada oo ku saabsan in dowladda dhexe ay dooneyso inay disho Mulhtaar Roobow iyadoo markaas ku sheegi doonta inuu ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen goobta ay ku hayaan Roobow.

Si kastaba ha ahaatee waxaa nasiib darro ah in ay sii socdaan dhibaatooyinka joogtada ah iyo faragelinta qaawan ee lagu hayo shacabka Koonfur Galbeed tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Haddaba waxaa is weydiin mudan reer Koonfur Galbeed yay ka sugayaan in uu ka dul qaado dhibaatada lagu hayo?.